Jaaliyada dhisida somaliland
Jaaliyada somaliland bouwen oo loo soo gaabiyay (SB) macanaheedu yahay dhisida Somaliland, ayaa waxay dhiiri galisaa horumarinta isdabarida ee dadka ku nool wadanka somaliland. Waxay si fiican u wada shaqeeyaan jaaliyada farsamada qodaalka oo loo soo gaabiyay (FQ) oo xarunteedu Arabsiyo Somaliland tahay. Jaaliyadan waxaa la aas aasay 1998kii,
Muhiimad ugu weyn ee ururkan loo sameeyey waxay ahayd in xarun beeraha ku saabsan
laga dhiso tuulada Arabsiyo, tuuladaas oo 30 km xaga koonfur galbeed ka xigta
magaalo madaxda Hargaysa.
Somaliland Bouwen waxaa aas aasay dhalinyaro Somalilanders ah oo Holland sharci
ka helay iyo dad wadanka Holland u dhashay oo degan tuulo Ter Boer la yidhaahdo
oo ku taala gobolka Groningen ee wadanka Holland.
Somaliland Bouwen dadka u shaqaaya waxay ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso. Maalgalinta
mashruuca waxaa laga helaa tabarucyo. Labadii sano ee u danbeeyayna waxaa caawisa
hay´ada NOVIB.
